Madaxtooyad oo kala dhex gashay khilaafkii u dhexeeyay wasiirka caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargaysa
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo kala dhex gashay khilaafkii u dhexeeyay wasiirka caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargaysa Go,aano ka soo saartay Madaxtooyadu.
Go,aanadan aya u dhignaa Sidan
1-in Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargaysa oo lagu magaacabo wareegto madaxweyne uu xilka ka qaadi karo oo kaliya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
2.In Komishanka Maamul Wanaagu xaliyo Cabashada ka Taagan Cisbitaalka
3.In Agaasimaha Cisbitaalka Dr Cabdiraxmaan uu shaqadiisii sidii Caadiga ahayd uu u sii Wato