Xildhibaan Siciid Jaamac oo ka hadlay Cabashada Wadada Madaarka Hargaysa
“WAR-MURTIYEED IYO BAAQ DEGDEG AH
Ujeedo: Mashruuca Dib-udhiska & Dayactirka Jidweynaha Madaarka Hargeysa
Anigoo ah Sa’eed Jama Ali, ahna Mudane la doortey kana tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa ay ila noqotey in aan Warqad Furan iyo Baaq Xal-jeedineed kasoo saaro Cabashada soo noq noqotey ee xambaarsan dareenka bulsho ee damqashada leh ee kuwajahan Dayactirka Waddada Halbawlaha ah ee Madaarka Hargeysaka timaada, taasoo ay fulisey dawladda hoose ee Hargeysa kunadeeqdey Dawladda aynu saaxiibka nahay ee Taiwan.
Runtii Dawladaha Hoose waxay addeegyada aasaasiga ah iyo is-xukunka dimoqraadiyadeed u fidiyaan bulsho-weynta soo dooratey, iyagoo dadweynuhuna si dhaw ugu xasila kana haqab beelaaddeegyadii degsiimo iyo kaabayaasha dhaqaale ee ay u baahan yihiin.
Haddaba Dhismaha Jidkaas Madaarka Hargeysa waxa uu keeney kana dhalatey saameyn taban oo ay Cod-dheer kaga ashkatoodeen bulshadaJidkaas hareerihiisa degen iyo kuwa ku ganacsatada ee ay meheradahakala duwani uga furan yihiin. Nasiib darro se Cabashooyinkaas soonoqnoqday dhag jalaq looma siinin, falcelin ay u qalmaana kamayhelin Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Xafiisma MaayarkaCaasimada midna. Waxa ay ila noqon weydey in Golaha aan kaaamusnaado Cabashooyinkaas xili aan ka mid ahay MudanayaashaGolaha ee ay Mas’uuliyadaasi saarnaaneyso haddii Jawaab la’aantaMaayarka & Guddidiisa Fulintu sii socoto, sida haatanba muuqata.
Nuxurka Cabashooyinka Bulshada & Ganacsatada Jidkahareerihiisa degeni ay muujiyeen:
1. Maqnaanshaha Daraasada lama huraanka ah ee QiimeyntaSaameynaha Mashruucu ku keenayo Badqabka deegaanka iyoxasiloonida bulshadda ayaan gebi ahaanba la samaynin markiiJidkan dib loo dayactirayey.
Waxa nasiib darro ah in aan la samaynin Daraasad Qiimeyn kuwajahan saameynaha Mashruucu ku keenayo badqabka iyoxasiloonida bulshada (Environmental Impact Assessment – EIA). Daraasadani waa mid aan la dhayalsan karin, laga hawlo-yareysan karilana ilduufi karin taasoo qaynuun ahaan, damiir ahaan & maamul-wanaag ahaanba lama huraan ah, waajibna ku ah mas’uulka dooran eefulinaya dayactirka iyo dib-udhiska Jidweyne sidan oo kale taabanayamasiirk bulsho-weynta aynu addeegayaasha u nahay. Su’aasha halkanka dhalaneysa ayaa noqoneysa maxaa Daraasadan loo samaynwaayay? Haddii la sameeyeyna maxaa ay ahaayeen Natiijooyinkiikasoo baxay balse aan la dhaqan-gelinin?
2. Ka Qayb-gal la’aanta Bulshadda & Dhegeysi la’aanta Tallo-bixinaha Dadweynaha ee ku wajahan MashaariicdaHorumarineed ee la hirgelinayo:
Iyadoo ay waajib ahayd wax laga filayay Hoggaanka Dawladda Hooseee Hargeysa ahaa in tallo-bixinaha bulshada la dhegeysto gaar ahaanmarka la qorsheynayo lana hindisayo mashaariicda dhaqan-dhaqaaleee la fulinayo. Weydiinta bulshadu ka cabatey ee fal-celinta innoogabaahan, mudane maayar waxay ku saabsan tahay sababaha innagabaajiyey dhegeysiga tallo-bixinaha bulshadda ka hor hirgelintamashaariicda iyo cabashooyinkooda kasoo noqda ka dib fulintamashaariicda raadka ku leh noloshooda?
3. Daah-furnaan la’aanta habka iyo hannaanka xulashadaQandaraaslayaasha (Contractors):
Waxa ka mid ah waxyaabaha bulshaddu kaga cabatey MashruucaDayactirka Jidweynaha Madaarka in aan la samaynin Xulasho daah-furan oo lagu doortey Qandaraaslaha dhismaha Dayactirka fuliyey.
Runtii Mudane ahaan, waxay ila tahay in Qandaraaslaha Jidkadayactirey tahay Shirkad waddaniya xaqna u leh helista mashruuca. Balse waxa muhim ah in Xafiiska Maayarka bulshaddan u cadeeyohannaankii uu u marey xulashada Shirkadda. Arrintan xulashooyinkaQandaraaslayaashu maaha mid Jidweynahan uun ku kooban balse waadareen guud, horena Mudanayaasha la doortey qaarkood welwel kamuujiyeen una sheegeen Maayarka balse aannu falcelin buuxda kasiinin. Arrintani waa tiir dhexaad marka maamul-wannaaga, daahfurnaanta & xilkasnimada hay’ad dawli ah laga hadlayo, heerkasta, mid degmo, mid qaran & mid magaalaba.
4. Mag-dhaw la’aanta aan lagu baanan Meheradihii & GoobihiiBulsho ee uu khasaaraha dayactirka Waddadu keentey:
Dhaqaaluhu waa tiir-dhexaadka degenaanshaha, xasiloonida iyonabadgelyada muwaadiniinta. Runtii khasaare dhaqaale ayaa lasoodarsey meheradaha hareeraha Jidka Madaarka Hargeysa. Waxa waajibah in khasaarahaas loo jid-bixiyo isla markaana qorshaha DawladdaHoose ee Hargeysi ku darsato sidii meheradahaas loo siin lahaa mag-dhaw iyo ugu yaraan garawshiyaha ay gayaan xaqana u leeyihiin.
Dhammaan qoddobadaas kor aan kusoo faahfaahiyey ayaa noqonayaNuxurka Cabasho ee Bulshada ka dareen-celisey saamaynihii iyokhasaarihii uu dayac-tirka Jidku ku sababey.
Haddaba waxa aan Xafiiska Duqa Magaalada, Guddida FulintaDawladda Hoose iyo taageerayaashii dib-dhiska & dayactirka JidkaMadaarka Hargeysa ugu baaqayaa inay xilkasnimo buuxda iyo kal-furnaan ku qaabilaan BAAQAN iyo Nuxurka ay sido WarqaddeydanFuran, sidoo kalena u fahmaan Farriinteyda mid raad ku yeelan doontaKalsoonida bulshadeenu ku qabto mas’uuliyiinta arrintani khuseysoiyo kaba sii darane Hay’adaha Dawladeed ee ay hoggaanka u hayaan, kuwaasoo ah tacabkii Qarankeena iyo dadkiisuba usoo hurayeenmuddada 30-ka sanno hor u dhaaftey, (1991 ilaa 2025).
Allaa Mahad Leh,
Dadkiisa JSL ayaa Abaal leh.
Mudane Sa’eed Jama
Xildhibaan Golaha Deegaanka & Dawladda Hoose ee Hargeysa.”