Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee xagga Cuntada iyo Beeraha (FAO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta (19.04.2025) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee xagga Cuntada iyo Beeraha (FAO) Mr. Etienne Peterschmitt iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka mid ahaayeen Dr.Abdikarim Mogeh (Madaxa Xafiiska FAO ee Somaliland) iyo Dr. PAPA NDIAYE (Isu-duwaha Kalluumaysiga FAO Somaliland).
Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Kalluumaysiga, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha.
Ugu horrayn Madaxweynaha JSL waxa uu soo dhaweeyey weftiga ka socday Hay’adda FAO, waxana uu uga mahad naqay wada shaqaynta soo jireenka ah ee ay Hay’adda FAO la leedahay dalka Somaliland iyo taageerada ay siiso Somaliland.
Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la iskaga kaashan lahaa arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka JSL, gaar ahaan xagga horumarinta Xoolaha, Nolosha reer miyiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.
Wakiilka FAO ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay taageeraan ajendaha horumarineed ee ay leedahay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Shaqaalaha Hay’adda FAO ee Somaliland ay yihiin kuwo leh xirfad iyo aqoon sare leh.
Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey sida ay Xukuumaddiisa Wadajir iyo Waxqabad uga go’an tahay in ay si dhaw ula shaqayso Hay’adda FAO, isla markaana si wacan la isugu dubba-rido kaalmada FAO ay siiso Somaliland loona beddelo koboc la taaban karo oo ah xagga sugnaanshaha cuntada, la qabsiga isbeddelka Cimilada iyo kor u qaadidda hab-nololeedka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker