Duqeymaha Israa’iil ee Gaza oo ay ku dhinteen Falastiiniyiin ku jiray teendho
Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhintay duqeymo cirka ah oo is daba joog ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza, kuwaasoo inta badan ku dhacay meelo ay barakacayaal rayid ah ka dhisteen teendhooyin, sida ay sheegtay hay’adda difaaca rayidka ee ay Xamaas maamusho.
Goobjoogayaal ku sugan al-Mawasi ayaa BBC u sheegay in teendhooyinka uu Arbacadii holac qabsaday, kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay halkaas, kaasoo ay ku dhinteen dhowr Falastiiniyiin ah.
Israa’iil ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta inay isaga baxaan qeybo ka mid ah Gaza ayna aadaan al-Mawasi.
Milatariga Israa’iil ayaa shalay sheegay inay “argagixiye Xamaas ah” ku beegsadeen deegaanka isla markaana dhacdadaas ay qiimeyn ku socoto.