Mareykanka oo mar kale weerar ku qaaday Xuutiyiinya Yemen
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun shidaal oo ku taalla dalka Yemen intii ay socdeen duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta.
Ujeeddada weerarka lagu qaaday dekedda Ras Isa ee badda cas ayaa la sheegay in looga gol-lahaa goynta saadka iyo dhaqaalaha Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto.
Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, ugu yaraan 33 qof ayaa lagu dilay weerarka, waxaana dadka la dilay ku jiray shaqaalaha gurmadka.
Weerarkii Khamiista ayaa yimid kadib markii ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta bil ka hor.
Fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas iyo gacanka Cadmeed kaddib markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii October 2023-kii.