Maraykanka oo ay ‘suuragal’ tahay in uu ka baxo dedaalkiisii gaadhidda heshiis nabadeed

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ka noqon doono dadaalkiisii uu ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo isla mar ahaantaana lagu gaadhoheshiis nabadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine maalmo gudahood, haddii aysan muuqan calaamado cad cad oo muujinaya in heshiis la gaadhi karo, sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, Jimcihii.

“Ma sii wadi doonno dadaalkan toddobaadyo iyo bilo badan. Sidaa darteed, waa in si degdeg ah — waxaana uga hadlayaa maalmo — aan u go’aansannaa haddii heshiis la gaadhi karo toddobaadyada soo socda iyo in kale” ayuu yidhi Rubio oo ka hadlayay magaalada Paris kaddib kulan uu la yeeshay madaxda Yurub iyo kuwa Ukraine.

Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka yimid Paris, London, Berlin ama Kyiv oo la xidhiidha hadalka Rubio. Saddex ilo diblomaasiyadeed oo Yurub ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hadalka Rubio uu ka tarjumayo niyad-jabka sii kordhaya ee ka jira Aqalka Cad ee la xidhiidha diidmada Ruushka ee ah inuu dagaalka joojiyo.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaadhay heshiis nabadeed balse xidhiidhkooda Washington uu yahay mid adag. Wuxuu intaas ku daray in Ruushku uu doonayo in uu xalliyo khilaafka iyadoo la ilaalinayo danahiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay weli u furan tahay wadahadalka ay la leedahay Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker