Duqeyn xalay laga fuliyay degmada Adan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanysa howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ay duqeymo ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-Saxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay dhaceen xalay fiidkii howlgal qorsheysanaa oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Duqeyntan ayaa sida ay dowladda sheegtay waxaa lagu dilay 12 xubnood oo Al-Shabab islamarkana uusna jirin khasaaro dadka rayidka ka soo gaaray.
Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay oo aan wali la wada ogeyn ayaa bayaanka dowladda lagu sheegay in wali ay qiimeyn socoto.