𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐚𝐲𝐚𝐜𝐭𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo weli ku gudajira socdaalkodii dhismaha nabadda, horumarinta dalka iyo dadka ayaa soo gaadhay Magaalada Burco, halkaasi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa xadhiga ka jaray dayactir lagu sameeyey Dugsiga Farsamadda Gacanta Burco (Burao Technical Institute), sidoo kalena kormeer ku sameeyey qaybaha kale duwan ee uu ka kooban yahay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay Farsamada Gacantu u leedahay horumarka bulshada, waxana uu yidhi:

“Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco aniga xasuus gaara ayuu ii leeyahay waayo barigii aan Wax-barashada ku jiray ayaa waxa dugsigaasi ku biiray arday markaasi aan isku fasal ahayn oo markii ay dhammeeyeen farsamada gacanta, markiiba shaqo tegay, markaas farsamada gacantu qiime weyn bay leedahay.”

Dhanka kalena Madaxweyneku-xigeenka JSL yaa shaaciyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay u tahay in ay tayeyso
Dugsiyada Farsamada Gacanta ee Dalka, waxana uu yidhi: “Ka Xukuumad ahaan waxa aan diyaar u nahay in aanu dhiirri gelino Dugsiyadda Farsamada Gacanta ee Dalka.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in Xafladda gunaanadka Barnaamijka Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah lagu qabanayo Magaalada Burco, isaga oo yidhi:

“Reer Burcow waxa aan idinku bishaaraynayaa in halkan lagu qaban doono xafladda Gunaanadka Barnaamijka Qaramaynta Ciidanka Madaniga oo ah Mashruuca ugu weyn ee imika dalka ka socda haatana gabogabo ku dhaw.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker