Xamaas oo sheegtay inaysan meel ku ogeyn la heyste ay Israa’iil dalbatay in la sii daayo
Xamaas ayaa sheegtay in ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd koox dagaalyahanno ah oo gacanta ku haysa maxbuus haysta dhalashada Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu oo ku xidhan Qasa, kaddib ay Israa’iil weerar ku qaadday goob ay ku sugnaayeen.
Askarigan oo 21 jir ah, oo lagu magacaabo Edan Alexander, ayaa ka soo muuqday muuqaallo ay kooxdaasi baahinaysay maalmihii u dambeeyay.
Israa’iil ayaa codsatay in lagu sii daayo maalinta kowaad ee hindise xabbad-joojin 45 maalmood ah ah oo la soo bandhigay todobaadkii hore kaas oo ay diideen Xamaas.
Xamaas ayaan ilaa hadda sheegin goorta ay lumisay xidhiidhkii, mana ay soo bandhigin wax caddaymo ah.