Ciidamada Mareykanka oo weeraray xabsi ay Shabaab ku hayeen shacab badan

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen duleedka Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeellada hoose.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Doonburaale oo 30 KM u jira degmada Qoryoolay, halkaasi ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ee maamulayay deegaanka Doonburaale, iyadoona sidoo kale ciidanka ay sii daayay boqolaal maxaabiis ah oo xirnaa Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in Deegaanka Doonburaale ay saldhig weyn uu ugu yaala Al-Shabaab, iyadoona halkaasi dadka ku dhibaateeya.

Mudooyinkii dambe ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadayeen saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker