SHANTA QODOB EE KASOO BAXAY SHIRKII DJABOUTI WAA KAFANTII HEESHIIN LAAANTA 2DA DHINAC.

Shirkani  waa shir weyn oo waxyaalo badan kaga duwanaa  shirarkii hore ee ay u Kulmeen SOMALILAND iyo SOMALIA.  Shirkani  waxuu qayb ka yahay isbedelka  geeska ka socda ee uu hogaanka ka yahay Abi  Ahmed iyo beesha  Caalamka  oo uu markaan si toosa u hogaaminayo Maraykanku oo mid walba ay ka goan tahay danaha waaweyn ee kaga xidhan oonay sinaba uga hadhayn.  SOMALIA iyo Ethiopia iyo beesha caalamka waxay isla qaateen in SOMALILAND aanay ka go i karin SOMALIA ee Wadan qudha ahaanayaan. Isbedelka Geeska  ka socdaa waa  mid aad  u xoogweyn oo isbedel badan ka soo sameeyey  Ethiopia dhexdeeda Eritrea iyo Ethiopia SOMALIA ay wax badan oo  kale soo kala saxeexdeen oo maanta Soo gaadhay Waqtigii  SOMALILAND runta farta loo  Saari lahaa. MUSE BIIXI  AMAR BAA  FARMAAJO LAGULA KULANSIIYE  WAANA LOO  SHEEGAY SIDAY WAX U SOCDAAN WAXA  ISAGA LOO  OGOLYEY NA WAA LOO SHEEGAY. waxaa  la ogyey  shacabka SOMALILAND waxay u qaybsanyihiin laba Xusbi iyadoo  la dhawrayo  in aan Kacdoon dhicin oo hubka meesha yaal aanuu dhibaato hor leh iyo burbur keenin ayaa Muse Biixi iyo Cabdirahman Cirro ba lala  socodsiiyey sida  dib u heshiisiinta loo daadihinayo.  Waxan oo dhami ballan bay  ku socdeen iyadoo  Shacabka Reer SOMALILAND  la masaajaynayo oo inay gartooda sheegteen  adduunka la tusayo  SOMALIA waxaa lagu  soo yidhi  idinku wax dooda ha keenina. SOMALILAND waxaa loo sii sheegay  Goosasho kuma  jirto  meesha ee ka hadla wax wada lahaanshaha iyo  in la idiinsoo daayo wixii lacaga ee SOMALIA idinkaga  xaniban shirkana  sidii  loogu talagalay buu u socdaa in aan wareegtada hore wax lagu  heshiin oo qodobo la isku diiday baa  habsocodka ka mid ahayd si gawracu reer SOMALILAND aanuu ugu xannuun badan.  Shantan  qodob ee shirka  ka soo  baxay WAA KAFANTII LA  DULSAARAY GOOSASHADII SOMALILAND OO HALKAA  KU DHIMATAY OO LOOGU BEDELAY INAY XUKUUMADDA MUSE KA HADASHO ADDUUN EENAY GOOSASHO KA HADAL.

Hogaanka Kulmiye sheekadan iyo SHIRKAN iyo qasabkan iyo amarkan SOMALILAND la siinayo wey sii ogaayeen waxaana ka markhaatiya Xisbiga Xamar ay ka fourteen, kooxaha fannaaniinta at iska  horaysiiteen iyo hoggaan dhaqameedka  ka hadlay  inaanay Somaliyi meel kala tegayn IYO MAR KALE IYO MIDNIMO KA WAR HESHAY XOGOGOGAALNA AHAYD.
dareen jiray buu ahaa in SHIRKAN Djabouti iyo Kuwa kaleba soo Socdaan.
Waxan ay ina Leeyihiin weftigii SOMALILAND Ka socday baa  shirkii  ka baxay kama bixi karaan ee Muse ayaa  u tusaya  shacabka SOMALILAND  inay dood adag galeen  WAA MASRAXIYADDA QAYB KA MIDA IYO SHOW GA LOOGU TALAGALAY  SHACABKA REER SOMALILAND.
DABAAL DEGGA SHACABKA BADH U DABAALDEGAYEY  MEEL AAN GUULI JIRIN WAA LASOO URURIYEY DADKA EE WAX QALBIGOODA KA YIMI  MAY AHAY.
SHACABKA DARAFYADA EE MUDAHARAADAYEY MUDAHARAAD KAMAY AHAYNE WAXAY AY KHILAAFA LAHAAYEEN WAXA  JEEGAANTU U DABAALDEGAYSO OO WAX JIRA AHAYNBA.
WAXAAN  KU SOO GEBABA GEBAYNAYAA ISBEDELKA UU WADO ABI AHMED SOMALI OO DHAN WAA U DAN EE WAA IN AAN LA CARQALADAYN HADDII KALE AXMAARADII IYO TEGRAYGII BAA IDIIN SOO NOQON.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker