๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ) ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay laba Xafladood oo isku-sidkan oo kala ahaa : Xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL iyo Daah-furka Beerista ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง oo Geed, muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Xafladdaa waxa soo agaasimay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Ujeedada guud ee Munaasibadda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL waxay ahayd in laga hortago saamaynta taban ee Isbeddelka Cimiladu ay ku leedahay guud ahaan noolaha, gaar ahaana nolosha bulshada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xafladda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka waxa uu sheegay in kor u kaca heer-kulka, xaalufka baad iyo biyo-ba leh, abaaraha soo noqnoqday, bara-kaca bulshada xoolo dhaqata ah iyo beeraleyda ee sida xad-dhaafka ah ugu soo hayaamaya Magaalooyinka, dhammaantood waa arrimo salka ku haya Isbeddelka Cimilada iyo xaalufinta dhirtii uu dalkeenu hodanka ku ahaa. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Dhir la’aantu ay tahay Nolol la’aan, waayo waxa ku xidhan nolosheenna iyo ta xoolaheenna.
Mashruuca Dhir-Beerista 3 Milyan oo Geed muddo Xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ayaa waxa dib loogu soo celinayaa carrada ku-haboon wax beerista, waxana lagaga hortagayaa nabaad-guurka muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhacay carrada. Tallaabadan ayaa waxay salka ku haysaa ballan-qaadyadii uu Madaxweynaha JSL la galay bulshada Somaliland xilligii doorashada.