Somaliland: Maraykanku wuxuu ka quustay siyaasaddii “Midnimada Soomaaliya”

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay usoo jeedsatay in ay la shaqayso, isla markaana ay ka quusatay siyaasaddii “Soomaaliya hal ah” ee ay Washington muddada dheer ku wajihi jirtay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Yuusuf Bakaal, ayaa sheegay in Somaliland ay gaadhay heer aan la dafiri karin marka la eego nabadda, dimuqraadiyadda ka jirta, iyo goobta ay ku taallo.

“Cilaaqaadkayaga waxa sababay Maraykanka oo ka quustay siyaasaddii muddada dheer u dajisnayd ee ‘Soomaaliya hal ah’. Waxa ay hadda kasoo laabteen oo ay arkeen in siyaasaddoodii hore aysan hadda shaqaynayn. Ta labaad, Somaliland waxay soo gaadhay xaalad aan indhaha laga qarsan karin,” ayuu yidhi Wasiir Bakaal.

Wuxuu sidoo kale xusay in goobta ay Somaliland ku taallo ay soo jiidatay indhaha caalamka, xilli ay goobtani muhiim noqotay kadib markii ay korodhay nabadgelyo-darrada ka taagan marinada ganacsiga adduunka ee Somaliland ay ka ag dhowdahay.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay ololaha dowladda Soomaaliya ku diiddan tahay aqoonsiga Somaliland, iyo codsiga dekedaha ay u bandhigtay Maraykanka, ayaa sheegay in dowladda federaalku aanay gacanta ku hayn dekedaha ay sheegtay inay bixinayso, oo xattaa aysan si buuxda u sugi karin amniga Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ‘Cali Balcad’, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalku ay Maraykanka u bandhigtay isticmaalka saddex dekedood oo ay ku jirto dekedda Berbera, xilli Muqdisho ay isku hawlayso joojinta aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa hadal uu Axaddii ka jeediyay magaalada Laascaanood ku sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu ka mid yahay khataraha ugu waaweyn ee ay Soomaaliya wajahayso, wuxuuna ku tilmaamay dambbi.

Somaliland ayaa hadda si gaar ah aqoonsi uga raadinaysa Maraykanka, kadib sannado badan oo ay saaxiibo ku dhex samaysanaysay xisbiga Jamhuuriga ee talada haya iyo golayaasha Maraykanka. Waxaa jira diblomaasiyiin iyo xildhibaano ka garab dhaw Madaxweyne Trump, kuwaas oo si toos ah ugu ololaynaya aqoonsiga Somaliland.

Somaliland waxay ololaha aqoonsi-raadinta u adeegsanaysaa goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo, iyo sidoo kale in ay tahay jamhuuriyad dimuqraadi ah oo nabad ah, isla markaana aanay saamayn ku lahayn Shiinaha iyo Turkiga oo ah dalal uu xafiiltan kala dhexeeyo Washington.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker