Ra’iisul Wasaare ku xigeen Cabdisalaan “Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha”

Ra’isul wasaare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya Cabdi Salaan Cabdi Cali ayaa maanta si rasmi ah uga daah furay magaalada Muqdisho Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kaasi oo markii ugu horeysa taariikhda ay Soomaaliya marti gelisey.
Shirkan oo socon doona mudada Seddexda cisho ee soo socota ayaa waxaa looga hadli doonnaa sida ay Soomaalida cusub ugu diyaarsan tahay hormarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana Ra’iisul wasaare kuxigeenka uu muujiyay sida ay Dowladda uga go’an tahay inay noqoto mid ku horeeysa dhowrida xuquuqda aadamaha.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali khudbadii uu madasha ka jeediyay.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya Cabdi Salaan Cabdi Cali ayaa shaaca ka qaaday in xuquuqul insaanka uu muhiim u yahay inuu fursad u siin doono Haweenka inay u tartami karto xil dowladeed iyadoo aan soo marin nidaamka 4.5, sidoo kale na door muhiim siinayo qofka naafada ah inuu heli karo Shaqo iyo inuu Bulshada door muhiim ah ku yeesho.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo masuuliyiin kale ayaa inta aysan munaasabaddu bilaaban kormeer ku sameeyay goobo si gaar ah loogu xardhay sawirro ka turjumaya ilaalinta xuquuqul insaanka.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Shirkaan soo diyaarisay ayaa wasiirka Wasaaradaasi Khadiija Al Makhzuumi waxa ay khudbadeedi daah furka ku sheegtay in ay ka go’an tahay Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana kasoo qeyb galayaasha ay la wadaagtay qorshayaasha Soomaaliya ay u qaadi doonto hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo garab istaaga kuwa mudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker