Maraykanka oo wacad ku maray inuu Soomaaliya ka caawin doono la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay Soomaaliya gacan ka siin doonto la dagaalanka argagixisada, isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay Xuutiyiinta oo uu ka cabsi qabo in ay Soomaaliya xeryo ka samaystaan.

Trump oo hadda dagaal gaar ah kula jira kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo weerarro u geystay maraakiibta Israa’iil iyo reer Galbeedka, ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii Xuutiyiintu aysan dhulkooda uga dhigan lahayn saldhig.

“Waanu taageeri doona dadka Soomaalida, umana ogolaan doono in Xuutiyiintu ay dhulkooda xero ka dhigtaan, si aanu usoo afjarno argagixisada, oo aanu waddankooda uga dhigno mid barwaaqo ah,” ayuu yidhi Trump.

Waxa uu sheegay in ciidamada cirka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay geesiyaal mar la arag ah, ay cadaaladda hor keeni doonaan kooxaha xagjirka ah, sidii ay hore ugu cirib tireen  kooxdii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq muddo xilleedkiisii hore.

Dhanka kale, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Carab, ayaa soo dhaweeyay taageerada dowladda Maraykanka, isaga oo sheegay in kooxaha xagjirka ah lagaga adkaan karo oo keliya iskaashi buuxa.

“Aad ayuu u mahadsan yahay Madaxweyne Trump taageerada cad. Iskaashigan qiimo weyn buu ugu fadhiyaa Soomaaliya. Wadajir ayaynu wax kaga qaban karnaa argagixisada, oo aynu ku tirtiri karnaa khataraha sida Xuutiyiinta, si aynu Geeska Afrika ugu dhalino xasilooni dhab ah,” ayuu yidhi Danjire Daahir Carab.

Dowladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyay duqaymo la beegsatay kooxaha Xuutiyiinta, Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in saldhigga ugu weyn ee Daacish uu ku yaallo Soomaaliya, kaasi oo dhawaan ay dagaallo is-daba joog ah ku naafeeyeen ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Wardoonta Maraykanka ayaa sheegay in xidhiidh ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo ah garab ka tirsan Al-Qaacida, waxaana laga cabsi qabaa in Xuutiyiinta oo garabsanaya dowladda Iiraan ay saanad milatari oo xoog leh u gudbiyeen Al-Shabaab.

Sida ay dhawaan qortay New York Times, saraakiisha Aqalka Cad ayaa isku maandhaafsan sida loo wajahayo xaaladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in argagixisadu khatar ku hayso magaalada Muqdisho. Hadalka Trump ayaa u muuqda mid muujinaya in Washington ay go’aansatay inay sii waddo taageeradeeda la dagaalanka xagjirnimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker