Aljeeriya oo masaafurineysa 12 sarkaal oo ka tirsan safaaradda Faransiiska

Aljeeriya ayaa weydiisatay 12 ka mid ah shaqaalaha safaaradda Faransiiska inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska.

Jean-Noel Barrot ayaa intaa ku daray in ay xiriir la leedahay dacwad lagu soo oogay saddex qof oo Aljeeriya ah oo ku sugnaa Faransiiska Jimcihii, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal ka tirsan qunsuliyadda.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen afduubkii sannadkii hore loo geystay Amir Boukhors, oo 41 jir ah, oo dhaleeceeyay dowladda Aljeeriya iyadoo dad badan ay ka daawanayeen baraha bulshada, kaas oo la sheegay inuu magangalyo ka helay Faransiiska sannadkii 2023-kii.

Barrot waxa uu Algeria ku booriyay in ay “iska dayso” cayrinta wuxuuna sheegay in Faransiisku uu diyaar u yahay “in uu si degdeg ah uga jawaabo” haddii ay doonayan in horey loo socdo.

Boukhors, oo sidoo kale loo yaqaan Amir DZ, ayaa ku noolaa Faransiiska tan iyo sanadkii 2016, waxaana la sheegay in la siiyay magangelyo siyaasadeed 2023.

Waxaa bishii April ee sanadkii 2024 laga afduubtay xaafadaha koonfureed ee magaalada Paris, waxaana la sii daayay maalintii xigtay, sida uu sheegay qareenkiisa Eric Plouvier.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker