๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐š๐๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ซ๐š๐š๐ซ

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii u hoggaaminayey ayaa maanta si rasmiya ula wareegay Ciidankii Maddaniga ahaa ee ugu badnaa iyo Gadiidkoodii, kuwaasi oo ka mid noqon doona Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Xafladda lagu Qaramaynayey Ciidanka Maddaniga ah iyo Gadiidkoodkii Dagaalka ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee degmada Caynabo. Xafladaasi oo ahayd mid kulmisay Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqmeed iyo qaybaha kale duwan ee bulshada degmadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi kala hadlay bulshada reer Caynaba ayaa si weyn ugu mahadnaqay bulshada deegaankaasi waxana uu yidhi:

“Qorshaha Qaramaynta Ciidanka Madanigu waxa ay marayaan marxalad gebo gabo ku dhaw, waana Allah SWT mahaddi, balse waxa innoo dhiman sidii aan khadka cas uga saari lahayn Gobolada Bariga Dalka, isla markaana aynu uga wada shaqayn lahayn nabadaynta Ceel Afweyn oo aan rajaynayo in ay guul ku soo dhamaato, madaama la qarameeyey ciidamadii la isku samaystay.”

Gunaanadkii Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa shaaciyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ku dedaalayso sidii ay biyo iyo taakullooyin kale ay u gaadhisiin lahayd bulshada ay saamaysay abaartu ee goboladaas.

“Waxa aan ka marag kacayaa in gobolada bariga Somaliland ay ka jirto biyo la’aan baahsan ka Xukumad ahaan waxa aanu ku dadaalaynaa sidii dadkaasi u heli lahaayeen biyo iyo sidii looga hirgelin lahaa Mashaariic Horumarineed.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker