Madaxweyne Cirro: Trump waa fursaddii ugu weynayd ee aan helno, wuxuu horseedi doonaa aqoonsigeenna
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa rajo weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay “shakhsi lala xaajoon karo.”
Madaxweynaha oo waraysi siiyay Wargayska The New York Times, kahor safar la filayo inuu Washington ku tago badhtamaha sannadkan, ayaa sheegay in dib-u-doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta.
“Aniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dheehanayaa inuu doonayo inuu gorgortan la galo Madaxweyne Trump, oo ah nin ganacsi, waxaana laga yaabaa in Somaliland ay Washington u bandhigto saldhigga Berbera iyo maamulka qaybo ka mid ah bugcada istaraatiijiga ah ee ay ku taallo.
Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyay saaxiibo badan ku yeelatay golayaasha Mareykanka iyo xisbiga talada haya ee Jamhuuriga, taasoo sahashay in olole lagu doonayo aqoonsigeedu uu ka dhex aloosmo golayaasha sharci-dajinta iyo xisbiga Jamhuuriga, kaasi oo ay qayb ka yihiin dad si weyn ugu dhaw Trump.
Saraakiil badan oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa dabada ka riixaya in Washington ay dib u qiimayn ku samayso siyaasaddeeda ku saleysan “Soomaaliya mid ah,” taas oo ay ku tilmaameen mid aan dan u ahayn cid aan ka ahayn Shiinaha.
Waxay ku doodayaan in Somaliland ay ka madhantahay saamaynta Shiinaha iyo Turkiga, sidaas darteedna ay mudan tahay in lala kaashado sugidda amniga marinada badda iyo ka hortagga Shiinaha.
Falanqeeyayaasha Mashruuca 2025 ee uu Trump ku hawl galo ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu u guuro magaalada Berbera oo leh saldhig ciidan oo diyaar ah, kadib saaxiibtinimada sii kordhaysa ee Jabuuti iyo Soomaaliya ay la leeyihiin Shiinaha, iyo Jabuuti oo diiday in Mareykanku weerarro ka qaado saldhigga waddankeeda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda dadaal badan ugu jirta sidii aanay Somaliland aqoonsi u heli lahayn, iyadoo kiraysatay hay’ado ka taageeraya inay Trump ku qanciso in aanu aqoonsan Somaliland, isla markaana uu la shaqeeyo Muqdisho.
Wakaalada wararka ee Reuters iyo jariidadda Semafor ayaa dhawaan sheegay inay heleen warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Trump, taas oo uu kaga codsanayo inuu ka baaqsado aqoonsiga Somaliland, taa beddelkeedana uu la wareego maamulka dekedo iyo madaarrado ay qaarkood ku yaallaan Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakaal, ayaa sheegay in wafdi sare oo ka socda Somaliland ay bisha May gaadhi doonaan Mareykanka, kadibna uu Madaxweyne Cirro u safri doono Washington bisha July, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in ugu dambayn ay Somaliland aqoonsi heli doonto.