Duqeymaha cirka ee Israa’iil oo burburiyay qeybihii ugu dambeeyay isbitaallada Gaza
Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa burburiyay qeyb ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee isbitaallada magaalada Qasa ee shaqeynayay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay burburiyeen xarunta daryeelka gaarka ah iyo waaxaha qalliimada ee Isbitaalka Al-Ahli Baptist.
Muuqaal lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa laga arkayay holac xooggan iyo qiiq kasoo baxaya isbitaalka kadib markii gantaallo ay ku dhaceen dhismaha oo labo dabaq ka kooban.
Dadka oo ay ku jiraan bukaanno ayaa weli jiifay sariiraha isbitaalka, waxaana kaamiradu ay duubtay iyagoo kala cararaya.
Ciidamada Difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay in isbitaalka qeyb ka mid ah ay saldhig u tahay Xamaas.
Wax khasaare kale ah lagama soo sheegin weerarkan.