JAALLE MUUSE PILOT-OW LABADII XAAJIYADOOD AYAA GARASHO IYO GO’AAN BA KU DHAAMAY……MADASHA WADATASHIGA
Madasha wadatashiga oo dhinaca walba u dhacaysaa waxay qirtay si toos ah iyo si dadban ba in Xukuumada sakaraadka ah ee dayoowday ay tahay tii ugu tayada xumayd abid Somaliland iyo gayiga Somaalidu ku nooshahay soo marta tan iyo 1991. Ragu waa talo keen iyo talo aqbal Jaalle Muse Pilot midna maha waa jikaar suudh xidhan aadna u xiiqsan.
Dalka Maraykanka ee caalamka oo dhami uu kaga daydo dimuqraadiya neo – liberal ka ah hadaad u fiirsatid Madaxweynayaasha soo maray waxay u badnayeen lawyers madada Tariikhduna major ama minor ayey u ahayd pre -law intaanay sharciga bilaabin Madaxweynayaasha Maraykan intii dambe soo maray waxay ka siman yihiin inay mudo Senators ahayeen ooy sharci dejinta kasoo shaqeyeen ama ay Governors iyo badhasaab soo mareen ooy leeyihiin khibrad fulineed ninka ka duwan taa waa Jaalle Donald Trump isagu khibrad fulineed iyo mid sharci dejin midna ma lahayn waa ta keentay inuu sharciga ku tunto oo uu qarka u saaran yahay in la Impeach gareeyo iyo xil ka xayuubin ha la yaabin Jaalle Trump wuxuu kusoo ilko dhacsaday tuugta Wall Street iyo kuwa Guryaha kala iibiya Tuugta Real Estate New York waxa ku xeeran qoladaa Lawyers caalami ah oo maalinoo dhan ku mashquulsan inay sharciga ka hoos dusaan waxay iloobeen markaad Uncle Sam iyo dawlada Maraykanka aad u shaqeynaysid xaalku wuu ka duwan yahay iminka wiilkisii Jaalle Donald Trump Jr. xadhigu qoorta ayuu ugu jiraa Duqii Donald Trump Ilaahay iyo hawlgalkii Jaalle William Barr iyo Jaalle Bob Mueller oo asalkiisa ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga ah oo ay daqiiqadii ugu dambeysay xisbiga Jamhuuriga budhtiirkiisu yidhaahdeen kor uga bax Jaalle Bob Mueller ayuu ku badbaaday for the moment Jaalle Trump isagu badbaad lakiin ogow muwaadin in ka badan todoba gacan yare oo Jaalle Trump lahaa oo uu ku jiro qareenkisii gaarka ahaa Jaalle Cohen xabsibay galeen inay sharciga jabiyeen.
Usoo Noqo Somaliland ragii Madaxweynayaasha kasoo noqday waxay ahayeen rag sharci yaqaan ah oo laamaha sharci dejinta iyo fulinta mudo dheer kasoo shaqeeyey qaarkood iyakaa ahaa institutions sida Jaalle Cabdiraxmaan Axmed Cali طيب الله تراه iyo Jaalle Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal طيب الله تراه JAALLE RIYAALE IYO JAALLE AL-XAAJI AXMED.
Jaalle Muuse Biixi Cabdi wuxuu kaga duwan yahay sidii uu ciidanka Somaliya uga tagay maalin ma shaqo tagin hadii laga tegi waayo dhawr bilood buu Madaxweyne Cigaal Wasiir daakhili ku magacaabay xilkaa oo uu Madaxweyne Cigaal deg deg uga xayuubay.
Jaalle Muuse Biixi Cabdi abaabul qabiil ayuu Ph.D ku haystaa cilmi kaloo aynu ku tuhmaynaa ma jiro ALLAH-A Qaadirka ihi runta sheega ayuu yidhi ee waxaanu ku tuhmi jirnay inuu garasho leeyahay tiina waxaanu ALLAH la hortagaynaa inuu cadhada cadhabuur cisadu ku cusub tahay oo cisadii heshay oo shan iyo toban jir leeyahay iyo dulqaadka kuray todaba iyo toban jir ah garashadiisuna ay tahay garnaqsi uu naftiisa iyo ficiladiisa been ka sheegayo…….. Jaalle Muuse Biixi Cabdi sharci wuxuu yahay ma yaqaan weligii sharci uma hogaansamin oo tii uu ka sameeyey xisbiga Kulmiye waad ogaydeen markaa xaga sharciga waa marfuucul qalam ………. Ogow Muwaadin Madaxweynuhu wax walba ma yaqaan Madaxweynaha waxa jidka siraad dhaafiya gacan yarayaasha ku xeeran Jaalle Donald Trump waxa gacan bira ku hayey Jaalle sareeye Gaas Kelly oo ah General birta calaashaday well disciplined ah hadaanu nikaasi joogin beri hore ayaa xilka laga xayuubin lahaa iminkana Jaalle Trump Jaalle William Barr buu ku daba dhuumanayaa sharci ahaan.
Ninka halka Jaalle Sareeye Gaas Kelly iyo Jaalle Willian Barr ugu jira Jaalle Muuse Biixi Cabdi waa Jaalle Maxamed Cali Bile waa jahaligii oo suudh sita WAA XARIIF TUULO qabiilaysi qaylinaya ayuu meesha ku yimi iyo Jaalle Al- Xaaji Axmed Siilaanyo ba wiilasha qoyska ayuu kobta dhigan jiray Waar ninkow Al-Xaaji Axmed Silaanyo meesha waxa joogtay Marwo Amina- Waris oon ka dhicin Madaxweyne Silaanyo xag aqoon iyo xag sharci iyo xag fulineed ta labaad Jaalle Macaali wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu dhagaysan jiray dadka weliba kuwaan qabiilkiisa ahayn wuxuu ahaa arday firfircoon oo cilmi korodhsi joogta ah sameeya Jaalle Maxamed Cali Bile Waa arday ma gudbe ah Social media ku mashquulsan sida Mama Malyuun ……. Jaalle Macaali Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu qaadan jiray courses iyo tababaro joogta ah si uu u fahmo sidii hawsha LEGE ARTIS logu fulin lahaa , Mr. Hirsi’s approach was more pragmatic and also sensible from a procedural point of view (lege artis)…………
Waxaan arkayey Odayaal looga qateen ah iyo niman sheeganaya Barre Sare oo ah Professor oo leh Xildhibaan Dhakool Dastuurka buu jabiyey oo 18 may dastuurka ayey ku qoran tahay Muwaadin 26 June ayuu Distuurka ku qoray Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal طيب الله تراه… Muwaadin 18 May kuma qorna Dastuur , Xildhibaan Dhakool Xasaanad buu leeyhay Barlamaankii way diideen inay ka qadaan xadhigiisu waa baadil dambi kale ma gelin wax jiray 30 sanadood ayuu sheegay………. Haday Maraykan ahaan lahayd xadhiga Dhakool Madaxweynhu kaadh huruud ah oo hareeraha ka cas baa la siin lahaa is jir Jaalle , chief of staff Jaalle Maxamed Cali Bille Is casil ayaa la odhan lahaa xil ka xayuubin , way raaci lahayeen taliska boliiska iyo Wasiirka Daakhiligu lakiin iyaku arrinka way iska fogeyeen XILDHIBAAN DHAKOOL WUXUU U XIDHAN YAHAY MADAXTOOYADA IYO JAALLE MAXAMED CALI BILLE ODAYGII JAALLE MUUSE PILOOT NA SOO FARA FARIIMO UMMADII LA YAABTAY……..
BA
jooqleodawaa@gmail.com