Dowladda Somaliland oo Si Adag u Cambaaraynaysa Booqashada la Filayo ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada Laascaanood
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaaraynaysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood. Tallaabadan kicinta leh waxay xadgudub cad ku tahay madax-bannaanida Somaliland, waxayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Booqashada waqtigeedu aadka u xun yahay waxay dhaawacaysaa dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu sugo nabad iyo xasillooni gobolka. Dowladda Somaliland waxay arrintan u aragtaa kor u kac khatar ah, waxayna si cad u sheegaysaa in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda masuul uga tahay xiisado iyo qalalaase kasta oo ka dhasha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa Midowga Afrika (AU), Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay (UN), Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah in ay garowsadaan in ficillada aan laga fiirsan ee madaxda Soomaaliya ay si toos ah u khatar gelinayaan nabadda iyo ammaanka gobolka. Muddo tobanaan sano ah, Somaliland waxay u adkaysatay kicinadaas, iyadoo si joogto ah u ahayd tiir lagu kalsoon yahay oo xasilloonida gobolka ah.
Dowladda Somaliland waxay ugu baaqaysaa quwadaha mas’uulka ka ah gobolka iyo beesha caalamka in ay si deg-deg ah oo wadajir ah uga jawaabaan dhaqanka khaldan ee Soomaaliya. Haddii aan wax laga qaban, waxa uu sii xoojin doonaa xasillooni darrada, waxa kale oo uu fursad siin doonaa kooxo aan dawlad ahayn in ay kacaan, taasoo sababi karta dhibaatooyin sii badanaya sida barakaca, tahriibka, dhibaatooyinka bini’aadantinimo, iyo khataraha amni ee xuduudaha dhaafa.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay nabadda, wadahadalka, iyo iskaashiga gobolka. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay qaadayaa tallaabooyin cad oo lagu difaacayo madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii loo baahdo.
— DHAMMAAD —