Vietnam oo dib u milicsaneysa dagaaladii taariikhda galay ee ay la gashay Maraykanka
Vietnam oo ah dal ku yaalla koonfur-bari Qaaradda Aasiya ayaa u dabbaaldegaya sannadguurada ka soo wareegtay dagaallo lagu riiqmay oo dalkaasi uu la galay waddanka Maraykanka, muddo haatan laga joogo 50 sano.
Dagaalkii u dhaxeeyay Veitnam iyo Maraykanku wuxuu socday ku dhawaad 20 sano, laga bilaabo 1955 ilaa 1975, iyadoo in ka badan 58,000 oo Maraykan ah la dilay iyo tiro aad u badan oo dalkaasi u dhashay.
Sannadkan waxa uu dalkaasi u dabbaaldegayaa 50 sano guuradii ka soo wareegatay dhicitaankii Saigon oo gacanta u galay ciidammada Waqooyiga Vietnam.
Xilligan la joogo, dalxiisayaal ka kala socda caalamka ayaa fursad u hela in ay ku dalxiisaan dalkaasi iyaga oo arkaya hadhaadiga hubka iyo xusuusaha dagaalka ee la diiwaangeliyay oo ay ka mid yihiin hubkii dagaalka loo adeegsaday sida AK-47, M-16 iyo M-60.
“Waxay ahayd goob dagaal wakhtiyadii hore ee aan halkan joogay,” ayuu yidhi Paul Hazelton askari Ameerikaan ah oo dib u soo xasuusanayasida uu xaalku ahaa xilliaydii dagaalka. Isagoo la socda xaaskiisa ayuu socod ku maray xarunta lagu kaydiyo xusuusaha dagaalka ee magaalada Ho Chi Minh.