Dacwad u dhaxeysa Imaaraatka iyo Suudaan oo maanta ay qaadayso maxkamadda ICJ
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay Hague ayaa lagu wadaa in maanta ay dhagaysato dacwadda Suudaan ee ka dhanka ah Imaaraatka Carabta oo ay ku eedeeyeen in taageero u muujiyaan xoogagga RSF ee dagaalka kala soo horjeeda millateriga Suudaan.
Dhagaysiga maxkamadda ayaa loo muddeeyay laba fadhi iyada oo la tixgalinayo codsi degdeg oo ka ymid Suudaan , taasi oo dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ku eedaynaysa in gacan ka gaysteen xasuuq ka dhan ah dadka Masaaliit, gaar ahaan galbeedka gobolka Daarfuur.
Suudaan ayaa sidoo kale dalkaasi kaga dacwootay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Ciidammada gaashaandhigga Suudaan iyo kuwa Gurmadka Degdegga ah ayaa ku dagaallamaya dalkaasi laga soo bilaabo badhtamihii 2023-kii.