Somaliland oo Maraykanka kala hadashay in la baajiyo safarka Raysal Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay Maraykanka kala hadashay sidii loo joojin lahaa safarka u qorsheysan Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, in uu ku tago magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan Washington, ayaa kulan uu barta X (Twitter) kula yeeshay qaar ka mid ah bulshada Somaliland, ka sheegay in dowladda Maraykanka ay la qaadatay aragtida ah in safarka Raysal Wasaaraha si degdeg ah loo joojiyo.

“Ninkii Raysal Wasaaraha ahaa ee tagayay Laascaanood dagaal weyn ayaanu maanta ka galnay, dowladda Maraykanku way nala qaadatay in si degdeg ah loo joojiyo, oo uuna tagin,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Maraykanka ay u sheegeen in safarka Raysal Wasaaraha ay dad kale dabada ka riixayaan, isla markaana markasta oo wanaagga Somaliland adduunyadu majeerato, ay dowladda Soomaaliya ishortaagto, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay yidhaahdeen in ay Al-Shabaab Xamar ka difaacaan ay ahayd, ee in Raysal Wasaare Laascaanood loo diro ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in safarkiisa uu Washington ku joogo uu gogol xaadh u yahay safar weyn oo ay bisha May ku tagi doonaan Maraykanka, intaa kadibna uu Madaxweynaha Somaliland booqan doono Washington, isaga oo sheegay in sugitaankii aqoonsigu uu soo gabagaboobay, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in Maraykanku aqoonsado Somaliland.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood, halkaas oo uu maamulka SSC-Khaatumo ka wado diyaargarow lagu soo dhawaynayo, iyaga oo sheegay in socdaalka Xamse uu muhiim u yahay midnimada Soomaaliya.

Somaliland oo lumisay gacan-ku-haynta magaalada Laascaanood horraantii sannadkii 2023, isla markaana u aqoonsan qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga soo horjeedsatay socdaalka Xamse.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker