Puntland oo markii ugu horraysay yeelatay hay’adda aqoonsiga dadweynaha

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer madaxweyne oo lagu dhisay hay’ad lagu magacaabo hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).

Tallaabadan cusub ayaa imaaneysa iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan bixinta aqoonsiga dadweynaha oo ay Dowladda dhexe ee Federaalka dhawaan bilawday.

Puntland ayaa horey u diiday in barnaamijkaas laga hirgeliyo deegaanadeeda, iyadoo ku andacoonaysa in arrimaha aqoonsiga qaranku yihiin kuwo aan laga heshiinin  oo la isku khilaafsan yahay.

Maalmo ka hor, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in dhammaan hay’adaha bixiya adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay si waajib ah u bilaabaan isticmaalka kaarka aqoonsiga qaranka ee biometriga si loo xaqiijiyo loona ansixiyo aqoonsiga muwaadiniinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali, ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga qaranka lagu xiro adeegyada kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker