Iiraan oo shuruudo adag ku xidhay wada-hadalka nukliyeerka iyo Trump oo u hanjabay
Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dalka Maraykanka oo aaddan barnaamijkeeda nukliyeerka oo lagu wado in uu dhici doono maalinta Sabtida ee toddobaadkan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.
Laakiin Madaxweyne Donald Trump waa inuu marka hore oggolaadaa aanay jirin “tallaabo millateri,” ayuu yidhi Araghchi, wuxuuna intaa ku daray in Iraan aanay “weligoeed cadaadis aqbali doonin.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada ka dhici doona Cummaan ay noqon doonaan kuwo dadban, taasi oo lid ku hadalka uu Trump Isniintii sheegay ee ahaa in iyaga iyo Iiraan ay u wada hadli doonaan si toos ah.
Trump oo ka baxay heshiiska nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah sannadkii 2015-tii ayaa ku gooddiyay in Iiraan ay ku wajihi doonto “khatar weyn” haddii aanay wadahadalladu guulaysan.