Suudaanta Koonfureed oo qarka u saaran dagaal sokeeye
Mucaaradka ugu weyn dalka Suudaanta Koonfureed ayaa iska diiday amarro ka soo baxay dawladda ee la yidhaahdo SPLM/A-IO in ay hubka dhigaan oo ay iska xaadiriyaan xeryaha dawladda.
Mucaardka hubaysan ayaa sheegay in ciidammada dawladdu aanay xaq u lahayn in ay ka arrimayaan goobaha ay mucaaradku maamulaan.
Xiisaddan ayaa ku so beegmaysa xilli uu xabsi guri ku jiro madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi Riek Machar, iyada oo cabsida laga qabo dagaal sokeeye oo mar kale ka dhaca dalkaasi ay tahay mid aad u sarraysa