Guddiga Doorashada oo sheegay in 5ta Urur siyaasadeed ay diiwaangeliyeen ay yihiin saamileyda siyaasadda dalka
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ay hayaan shan urur oo soo buuxiyay shuruudihii Guddiga uu horey ugu dejiyay ururada Soomaaliyeed ayna noqon doonaan shantaasi urur kuwa ka qeyb gali doono doorashada golaha degaanka ee dhici doonta Bisha Lixaad ee sanadkaan.
Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ururadaasi haddaba ay bilaabaan inay taagerayaashoodi soo diiwaangeliyaan si ay u helaan codadka ugu badan ee Doorashada Golaha Degaanka, waxaana uu carabka ku dhuftay in isdiiwaangelinta ay tahay mid bilaash ah.
Waxa uu xusay Cabdikariin Axmed Xasan in Guddiga Doorashada uu dhiirigelinayo ururada isdiiwaangeliyay uguna baaqayo kuwa kale ee wadada kusoo jira inay isdiiwaangeliyaan, hadda siyaasadda Soomaaliya waxa ay u dhaxeeysa ayuu yiri Madaxda Dowladda iyo Ururada isdiiwaangeliyay.
“Siyaasada Soomaaliya waxey ka dhaxeysaa 5-ta urur ee isdiiwaangeliyey iyagaana ah Saamileyda saxda ah ee Siyaasada Waxeyna ka qeyb kayihiin doorashada golaha deegaanka”. ayuu ku yiri Shir jaraaโid uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeeyn waxa uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan in shacabka uu ugu baaqayo inay hogaankoodi doortaan si ay ula xisaabtamaan hogaankoodi, waxana uu tilmaamay qof aan rabitaanka shacabka aanan haysan inaysan soo dhoweyneen.