AFRICOM: Soomaaliya waxay noqotay xarunta hoggaaminta howlaha caalamiga ah ee Daacish
Jeneraal Michael E. Langley, oo ah taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in kooxda ISIS (Daacish) ay xarunta hoggaaminta howlaha caalamiga ah u wareejisay gudaha Soomaaliya.
Warkan ayaa ka soo baxay mar uu Jeneraal Langley hortegay Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Senate-ka Mareykanka todobaadkii la soo dhaafay, si uu uga warbixiyo qorshaha AFRICOM ee sanadka 2025.
Gen. Langley ayaa xildhibaanada u sheegay in khatarta argagixisada ee Afrika ay tahay mid sii kordheysa, gaar ahaan kooxda Daacish, oo uu sheegay in ay hadda ka hagto howlgaladeeda caalamiga ah gudaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ah ay si weyn uga faaโiideysanayaan duruufaha amni iyo dhaqaale ee ka jira Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, si ay u kobciyaan shabakadooda argigixiso.
โAfrika weli waa xulafo istiraatiiji ah oo dhanka difaaca ah, balse sidoo kale waxay noqotay hoy ay ku koraan kooxaha argagixisada ah, kuwaasoo ka faaโiideysta duruufaha ka jira qaaradda si ay u kobciyaan una faafiyaan fikirkooda,โ ayuu yiri Jeneraal Langley.
Taliyaha Africom, Isagoo ka digayay halista sii kordheysa ee ISIS, ayuu yiri: โISIS waxay ka maamushaa shabakad caalami ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, haddii aan la joojin, waxay si toos ah u saameyn doonaan gudaha Mareykanka.โ
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Maraykanku uu sii xoojinayo hawlgallada la dagaallanka argagixisada ee qaaradda Afrika, gaar ahaan wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyay kaalin lixaad leh ka qaadanayay howlgallada Daacish looga sifaynayo buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.