Suuqyada Aasiya oo ka gilgishay saameynta canshuuraha Trump

Suuqyada saamiyada ayaa si weyn hoos ugu dhacay Qaaradda Aasia, iyadoo cashuuraha uu Madaxweyne Donald Trump uu ku soo rogay dalalka caalamku uu jahwareer xooggan abuuray.

Suuqa Nikkei 225 ee dalka Japan ayaa wajahay hoos-u-dhac 6.3%, halka Hang Seng ee Hong Kong uu hoobtay 9.8%.

Saamiyada bangiyada Ingiriiska ee HSBC iyo Standard Chartered oo xidhiidh la leh Hong Kong ayaa sidoo kale si weyn u hoos u dhacay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la hadlayay wariyayaasha ayaa difaacay siyaasaddiisa cashuuraha isaga oo sidoo kale sheegay in mararka qaarkood ay habboon tahay in la qaato daawo I wax loo haggaajiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker