Suuqa saamiyada Shiinaha ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacay 10%
Suuqa saamiyada Shiinaha ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacay 10% subaxnimadii saaka, taas oo ah hoos u dhicii ugu xumaa hal maalin gudaheed tan iyo sanadkii 2008, sida ay ku waramaayo majalada ka faaloota dhaqaalaha ee Bloomberg.
Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Shiinaha ay ku dhawaaqday cashuuro dhan 34% oo la saaray dhammaan badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka. Saamiyada shirkadaha tignoolajiyadda Shiinaha ayaa sidoo kale hoos u dhacay ilaa 15%.
Isbeddelkaasi wuxuu saameyn weyn ku yeeshay suuqyada Asia oo dhan. Suuqa saamiyada Taiwan ayaa isna gaadhay hoos u dhaca ugu badan ee abid la diiwaangeliyo, iyadoo sidoo kale saamiyada laga leeyahay Tokyo ilaa Mumbai ay si weyn u hoos u dhaceen.
Tirada guud ee saamiyada Asia ayaa hoos u dhacday ilaa 8% taas oo ah mid aan la arag in ka badan 16 sano. Warbixinta waxaa soo tabisay.