Meydka Gacala Cabdi Aadan ee horey loo aasay oo dib loo soo saarayo

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay Waaxda Baaritaannada Dembiyada u oggolaatay in lasoo saaro meydka Gacala Cabdi Aadan oo 17 jir ahayd.

Kiiska Gacala Cabdi Aadan ayaa ahayd in nolosha lagu gubay kadib markii ay diidday guurka oday 55 jir ah waxaana 22-kii bishan lagu aasay Xerada Qaxootiga Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah ururrada xuquuqda aadanaha Kenya ayaa korjoogteyn dooona soo saaridda meydka gabadhan, waxaana Maxkamadda ay sidoo kale amartay saldhigga booliiska Dhagaxley inay ammaanka sugaan inta hannaankan socdo.

Ujeeddada soo saaridda meydka ayaa ah in baaritaan ku celis ah lagu sameeyo si loo ogaado waxa dhabta ah ee geerida sababay iyo in qiimeyn lagu sameeyo inay sun jirto iyo waliba hidde-sidaha.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan Baarayaasha soo jeediyeen in baaritaanka hidde-sidaha ah lagu sameeyo qabriga agtiisa amaba halka ay ku taliyaan khubarrada arrinta ee dowladda ka socda.

Dhowaan ayay ahayd markii isla maxkamad ku taalla magaalada Wajeer la soo taagay saddex nin oo Soomaali ah, kuwaas oo looga shakisanyahay dilka gabadhan, taas oo todobaadkii la soo dhaafay lagu dilay magaaladaas.

Gacala Aadan ayaa ahayd xaaska mid kamid ah raggaas, dilkeeda ayaana argagax badan ka abuuray deegaanka, maadaama sida la sheegay jirkeeda dab la qabadsiiyay ka dib markii la dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker