Museveni oo ka hadlay waxa uu ka yeelayo isticmaalka Twitter-ka ee wiilkiisa

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda.

Waxay arrintani ka dambeysay markii Janaraal Muhoozi Kainerugaba uu bartiisa Twitter-ka kuso o qoray in u uku duulayo Kenya isla markaana muddo 2 toddobaad ah uuku qabsan karo Nairobi.

Madaxweyne Museveni ayaa Kenya ka raalligeliyay hadallada wiilkiisa.

โ€œTwitter-ka faraha ayuu kala bixi doonaa, waan ka wadahadalnay arrintaas, Twitter-ka dhib malahan, waxa dhibka keenaya waa waxa aad ku qorto Twitter-kaโ€ ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo la hadlayay teleefishin maxalli ah.

Wuxuu intaa ku daray โ€œka hadalka arrimaha dalalka kale iyo inuu ka qeybgaato siyaasadda Uganda, waa wax ma dambe uusan sameyn doonin, mana sameyn doonoโ€

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker