Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Degmada Balcad
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Khasaaro kala duwan geystay oo Xalay ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab ay Degmada Balcad ka soo weerareen ilaa iyo labo Jiho,waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal socday mudo saacad ku dhaw oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, iyadoona labada dhinac ay isku adeegsadeen Huka Noocyadiisa kala duwan.
ilaa iyo hadda si dhab looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee dhashay Dagaalka xalay ka dhacay Degmada Balcad.
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Saacado kooban ay la waregeen Ganac ku heynta Degmada Balcad.waxaana la tilmamay in Shabaabka inta ay ku suganayeen Degmada ay Gubeen Gadiid iyo Goobo Ganacsi sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.
Wararkii ugui dambeeyay ee Saakay aan ka heleyno Degmada Balcad, ayaa tibaaxaya in Xaalada Degmada Balcad ay dagan tahay,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo Xaafada qaar kawada Howlgal Amni Xaqiijin ah.
Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hir-shabeelle, kaas oo looga hadlayo Dagaalka xalay ka dhacay Balcad iyo Khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.