TikTok oo qarka u saraan in ay waydo 170 Million oo isticmaale.
Barta-ka caanka ah ee bulshadu ku kulanto ee loo yaqaan TiTok ayaa loogu baaqay in ugu dambayn 5-ta bishan aynu ku jirno ee April ay laga iibiyo ganacsadayaal ay u qoondeeyeen hogaanka dalka Maraykanku hadii kale laga xidhi doono gabi ahaanba dalkaasi halkaas oo shirkaddu ku waayi doonto 170 Million isticmaale oo reer Maraykan ah.
Dhawr shirkadood ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan shirkadan bilihii u dambeey.
Dhanka kale waxa la rajaynayaa in Madaxweyne Trump kordhin doono wakhtiga kama dambaysta ah ee Aaladan TikTok u gacan galayso ganacsade Maraykan ah.
Sidoo kale xildhibaano ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa waraaq u diray madaxweyne Trump iyagoo ka codsaday xog si looga hor tago in ganaaxa xayiraada ah ee madaxweynuhu soo roday uu hirgalo.
Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweyne Trump in dadaalada wax lagaga qabanyo TikTok uu kala shaqeeyo aqalka Congress-ka.