Marine Le Pen oo lagu soo oogay eedeymo saameyn kara tartankeeda doorashada madaxtinimo
Hogaamiyaha midig-fog ee Faransiiska Marine Le Pen ayaa cambaareysay oo ku tilmaantay “go’aan siyaasadeed” eedeymaha lagu soo oogay ee ah wax isdabamarin taasoo ka dhigan inaan loo ogolaan doonin inay ka qayb gasho doorashada madaxtinimo laba sano gudahood dalkaasi ak dhaceysa.
Ms Le Pen ayaa sheegtay inaysan waxba galabsan oo ay taageerayaan malaayiin Faransiis ah islamarkana ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka maxkamadda . Waxa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah oo labo ka mid ah la laali doono, wuxuu ahaan doonaa mid hakad ah ilaa rafcaan laga qaato.
Marine Le Pen oo la hadashay telefiishanka Faransiiska ayaa sheegtay in aysan wax shaki ah ka qabin in go’aanka maxkamadda uu yahay mid lagu joojinayo in ay u tartanto xilka madaxwaynanimada.