Ma kufsi baa haddii qof dumar ah ay nin xoogto?

Digniin: Waxaa suuragal ah in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan warbixintan:

Marka nin uu xoogo qof dumar ah waa kufsi. Balse ka warran marka qof dumar ah ay xoogto nin? dalal badan sida Britain, sharci ahaan taas kufsi ma aha, balse cilmi baaris cusub ayaa ku talineyso in sharciga lagu qoro in labada dhacdo ay isku mid yihiin.

Dr Siobhan Weare oo ka tirsan kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Lancaster ayaa soo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan Galmada qasabka ah, waxayna wareysatay in ka badan 200 oo qof oo rag ah.

Wixii ka soo baxay baaritaankeeda ayaa la baahiyay isbuucan. Waxaa inta badan lagu saleeyay wareysiyo ay qof-qof uga qqaday 30 nin, muddadii u dhexeysay May 2018 illaa July 2019.

Waxay daaha ka rogtay faafaahin dhameystiran oo la xiriirta in qasbidda ay dhacdo, ayna saameyn yeelato iyo sida nidaamka cadaaladda uu uga jawaabo.

Waa la qariyay magacyada dhammaan dadka qeybta ka ahaa baaritaankan, Balse mid ka mid ah waxaan magaciisa lagu badalay John.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker