Elon Musk oo malaayiin dollar siinaya dadka u codeeya Murrashaxa uu u wato doorashada Maxkamaddaha ee Mareykanka

Maal Qabeenka Elon Musk, ayaa ku wareejiyey jeegag lacag ah oo gaadhaya hal milyan oo doollar laba cod-bixiye oo ku sugan Gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kale ballanqaaday in uu bixiyo lacagaha yaryar ee kale si uu u siiyo dadka u codeeya musharraxa ay isku aragtu yihiin u tartamaya doorashada maxkamadda sare ee Gobolka.
Musk, oo ah La-taliye Sare oo u shaqeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa jeegag waaweyn ku bixiyey xaflad ka dhacday Green Bay si uu u kiciyo xiisaha doorashada maxkamadda sare ee Wisconsin, taas oo hore u noqotay tartanka garsoorka ee ugu xaasaasisan taariikhda Maraykanka.
Elon Musk, wuxuu sheegay in uu sidoo kale siin doono taageerayaasha iyo codbixiyeyaasha u codeeya Brad Schimel lacag badan, si uu ninkan oo qarka u saaran inuu ka adkaado Susan Crawford uu taageero u helo.
Arrintan ayaa ka abuurtay doodda adag guddaha mareykanka, iyada oo Elon Musk inuu lacag maalaayiin dollar ah ku bixinayo doorashada Maxkamaddaha ee dalkaasi, taas oo ay sheegeen in ay tahay mid dhaawacaysa nidaamka doorashada iyo Dimuqraadiyadda dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker