Siduu u Eekaan Doonaa Waxqabaka 100-ka Maalmood ee Xukuumadda Waddani?
Maanta waxa ay ku beegan tahay maalintii 108-aad ee xukuumadda Waddani haysay hoggaanka dalka. Maalmahan, bulshada Somaliland waxa ay si weyn u sugaysay in xukuumadda cusubi soo bandhigto Waxqabadkeedii 100-ka Maalmood oo sida muuqata dib uga dhacay wakhtigii la filayay in bulshada lala wadaago.
Si ay u fududaato qiimaynta Waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka Maalmood, waxa aynu u kala saari karnaa sadex qaybood oo kala ah:
1. Shaqooyin Socday oo Xukuumaddu la Wareegtay (Inherited):
Tusaale ahaan, dhismaha Xarunta Dhaqan-celinta Da’yarta ee Mija-caseeye, Mashruuca Waxbarashada Maxaabiista oo muddo dhawr sano ah socday, dhamaystirka Dhaamka Kal-qoray ee ku yaalla Waqooyiga Hargeysa, dayactirka jidka Berbera–Sheikh iyo shaqooyin oo kale badan oo xukuumaddii Kulmiye bilawday muddadii ay dalka hogaaminaysay.
2. Qorsheyaal Hore loo Dejiyay (pre-planned):
Waxa ka mid ah shirar heer qaran ah oo la qabtay sadexdii bilood ee u horeeyay sanadkan 2025, sida Shirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (18-19 February), Shirka Shaqo-abuurka iyo Shaqada (22-23 February), Shirka Beeralayda Somaliland (26–27 February) iyo shirar kale oo tobeenayo gaadhaya oo la qorsheeyay doorashada horteed.
3. Halabuur ay la timid Xukuumadda Waddani (Initiatives):
waa waxqabadka la xidhiidha shaqooyinka ay xukuumadda cusubi bilowday isla markaan ay dhamaystirtay oo ah waxa keliya ah ee si dhab ah loogu xisaabin karo in uu yahay waxqabad ay leedahay xukuumadda Wadani.
Xukuumaddu muddadii sadexda bilood iyo dheeraadka ahayd ee talada dalka haysay waxa ay munaasabado kala duwan ku soo bandhigtay waxqabad la xidhiidha mashaariic hore u socotay iyada oo aan xusin kaalintii ay xukuumaddii ka horaysay ku lahayd. Tusaale ahaan, dhagax-dhigga ceelasha iyo dhaamamka laga hirgalinayo Mashruuca Biyoole oo badankooda hore loo qorsheeyay, waxa la mid ah Mashruuca Horumarinta Tamarta oo bilaabmay 2022, miisaaniyaddiisuna tahay 50 millyan ee dollar gaar ahaan horumarinta korontada magaaladda Berbera oo hore loogu qorsheeyay qoondo dhan 20 million oo dollar haseyeeshee xukuumaddu ka dhigtay hawl cusub oo ay iyadu kaligeed qabatay (waxa xusid mudan in la sheego in uu socdo qorshe loogu talo galay qoondo dhan 10 milyan oo dollar oo lagu hormariyo korontada magaalada Borama taas oo la bilaabay muddo xileedkii Kulmiye oo aan filayo in xukuumaddu aanay isku koobi doonin waxqabadkiisa sida ka Berbera). Waxa iyana jirta in Kulmiye xilka wareejiyay iyada oo shaqada dayactirka waddada Sheikh-Berbera gabogabo tahay. Sidoo kale, labada waddo ee Hargeysa – Balligubadle iyo Boorama – Baki oo wax badan laga qabtay labadii muddo xileed ee Xisbiga Kulmiye oo aan la xusin haba yaraatee.
Haddaba, waxa aynu xukuumadda ka sugaynaa in ay si daahfuran ay bulshada ugu soo bandhigto warbixin ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee waxqabadkeeda muddada 100-maalmood ah iyada oo u kala saaraysa waxqabadka ay leedahay iyo kuwa hore u socday ama qorshaysnaa ee ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye. Haddii kale waxa caddaanaysa in xukuumaddu sheeganayso waxqabad aanay kaligeed lahayn (credit stealing), taas oo ka hor imanaysa daacadnimada siyaasadeed (political integrity) iyo xushmadda shaqada dawladnimo ee Xisbiga Wadani ku xusay ballanqaadyadda ku jira Barnaamij Siyaasadeedkiisa.