Jenaraal Maxamed Xamdaan Daagalo oo qirtay in lagaga adkaaday Khartuum

Hoggaamiyaha Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti), ayaa qirtay in kooxdiisu ay ku guuldarraysatay haysashada caasimadda Khartuum, sida u uku sheegay muuqaal lagu baahiyay Telegram, laakiin waxa uu ku hanjabay in uu dagaalka sii wadi doono.

“Haa. Waan ka baxnay Khartuum, laakiin idinka Ilaahay waxaan soo laaban doonnaa annaga oo intan ka xoog badan. Waanan guulasyan doonnaa,” ayuu yidhi Janaraal Maxamed Xamdaan Daagalo (Hemedti) oo frariinta ciiddda u dirayay ciidammadiisa.

“Haddii Eebbe qaddaro, waan jabin doonnaa. Ma aha keliya Omdurman, laakiin waxaan qabsan doonaa Khartuum, Baxri iyo dhammaan 18-ka gobol.”

Hadalkan hoggaamiyaha RSF wuxuu yimid kaddib markii taliyaha ciidanka Suudaan, Janaraal Cabdil Fataax Al-Burhaan, uu ku dhawaaqay in uu dagaalka sii wadi doono ilaa inta “dagaalyahannada ugu dambeeya” laga saarayo.

Burhaan ayaa hadalkan ku soo qaaday khudbadda ciidda oo u jeedinayay dadka Reer Suudaan.

Ciidanka gaashaandhigga ayaa dhawaan dib u qabsaday Khartuum kaddib dagaallo aad u daran oo socday muddo todobaadyo ah, waxa se jira dagaallo weli ka socda qaybo ka mid ah magaalada dariska la ah ee Omdurman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker