Ciidamada Puntland oo helay Maydad hor leh oo Daacish ah kaddib duqeyntii maraykanka ee togga Miiraale

Ciidamada amniga Puntland ayaa helay in ka badan 10 maydad oo ka tirsanaa kooxda Daacish iyo hubkoodii, kadib markii ay tageen goobihii uu Maraykanku duqeeyay labo maalmood kahor ee Togga Miiraale, oo ka tirsan gobolka Bari.

Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in goobta laga helay sidoo kale dukumentiyo ay lahaayeen xubnaha Daacish ee la dilay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa uga mahad celiyay dowladda Maraykanka duqeynta ay la beegsadeen Daacish, iyagoo sheegay in tallaabadani ay dhaawac weyn u geysatay awoodda kooxda.

“Maraykanku si weyn ayuu nooga caawiyay burburinta xarumaha kooxdaas,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo codsaday in magaciisa aan la shaacin.

Duqeyntan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay kaddib markii xog sirdoon oo wadajir ah la helay, taasoo tilmaamaysay in kooxda Daacish ay goobahaas ka wadeen abaabul iyo is-urursi.

Ciidamada Puntland ayaa hadda wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo baadigoobka haraadiga kooxda Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker