Raiisul wasaaraha Ethiopia Dr Abbiy oo Sheegay inuu Dhamaaday Wakhtigii Uu u Qabtay Xisbiga TPLF

Addis Ababa  (OWN)   Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo qoraal soo saaray ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda Waqooyiga dalkaasi.

Dr Abbiy ayaa shaaca ka qaaday inuu dhammaaday waqtigii Loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidamadiisa.

 

 

Mudada uu u  qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa aheyd saddex maalmood oo maanta ku ekeyd, Waxaanuu  baaqiisu ahaa inay si nabad-gelyo ah  isku soo dhiibaan ciidanka Tigrayga.

 

 

“Waa dhammaatay muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF, ” ayuu yidhi Abiy Axmed.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu U mahad-celinayo dhammaan dadkii ka faa’iideystay fursadaasi ee isku soo dhiibay ciidamada federaalka ee duulaanka ku qaaday Tigrayga.

 

 

Go’aankan ayaa uga sii dari kara dagaalka u dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay maalmo badan oo xidhiidh ah.

 

 

Xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi oo qaatay in ka badan 10 cisho.

 

 

Kumaanaan kun oo qoys ayaa sidoo kale isaga qaxay gobolkaasi, kuwaas oo u talaabay gudaha dalka Suudaan.

 

 

Si kasataba wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya sii socoshada dagaalkan iyo colaadaha ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker