𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐭𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚𝐛𝐨.
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii u hogaaminayey ayaa maanta salaada ciidal fidrida la tukaday shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne kuxigeenka SL oo halkaasi kala hadlay shacabka reer Ceerigaabo ayaa siweyn ugu mahadnaqay sidii ay uga qayb qaateen qaramaynta ciidanka madaniga waxaana uu yidhi:-
“Shacabka Ceerigaabo waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay noola shaqeeyeen, waxaanan rajaynayaa in ceerigaabo sideedi hore ku soo noqon doonto, wali way taalaa gogoshi nabadeed ee aan ku baaqay.
Walaalayaal sidoo kale waxan ceel afwayn u joognaa in aan Qaramayno Ciidanka Madaniga ah ee deegaanadan sidii aanu hore ugu balan qaadnay waqtigii aanu ololaha ku jiray, Ciidanka madaniga ahi waxay heli doonaan xuquuq dhamaystiran oo ay kaga mid noqonayaan, waxaan cadaynayaa in Ciidanka Milatariga Jamhuuriyada Somaliland ay ku filan yihiin difaaca Dalka iyo xuduudihiisa.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka JSL .