๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ญ๐ฎ๐ค๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ข๐ข ๐๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐๐ข๐๐ซ๐ข๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ช๐๐๐ซ ๐ค๐๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ช๐๐ง ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumanaan kun oo kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta la oogay.
Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda, ayaa tukashada salaadda Ciidul-fidrida kala qayb-galay kumanaan qof oo ku tukanayey Masjid-Jaamaca Magaalada Hargeysa, waxanu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas ku salaysan muhiimadda ay leedahay nabada wada-jirka iyo isku duubnimada bulshadu.
Ugu horrayn, Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta Ciidul-fidrida isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf.