Maraykanka oo Fiisaha kala laabtay in ka badan 300 oo arday ajnabi ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Maraykanku uu xannibay dal-ku-galyada ugu yaraan 300 arday oo ajnabi ah. Waa tallaabo qayb ka ah qorshayaasha madaxweyne Donald Trump ee lagu xakameynayo bannaan-baxyada lagu taageero Falastiiniyiinta ee dhaca jaamacadaha.
“Waxaa laga yaabaa in ay ka badan yihiin 300 ilaa hadda,” ayuu yidhi isaga oo la hadlayay warbaahinta intii uu ku jiray booqashadiisa Guyana. “Arrintan waxa aan samaynaynaa maalin kasta iyo mar kasta oo aan helno mid ka mid ah kuwan nacasiinta ah.”
Rubio ayaa hadalkan jawaab uga dhigay markii la weydiiyay in uu caddeeyo tirada fiisaha ardayda ee ay dawladdu joojisay sabab la xidhiidha xakamaynta hadalka ee ardayda jaamacadaha ee loo arko in ay liddi ku yihiin Israa’iil.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii saraakiisha socdaalka ee Maraykanku ay xidheen arday Turki ah oo dhigta jaamacadda Tufts – xadhiggaas oo wasiirku difaacay.