Dhulgariir xoog leh oo dhowr dal laga dareemay oo ku dhuftay Myanmar

Dhul gariirka cabirkiisu uu gaarayo 7.7 ayaa ku dhuftay bartamaha Myanmar, iyada oo gariirkiisa laga dareemay Shiinaha iyo Thailand, waxaana muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ay muujinayaan dhismayaal ku yaala Bangkok oo la baneynayo, dadkuna ay waddooyinka isugu soo aruurayaan.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahanka juqraafiga Maraykanka USGS, xuddunta dhulgariirka ayaa dhacda 16km Waqooyi Galbeed magaalada Sagain ee Burma, kuna dhow magaalada Mandalay. Aaggan ayaa ilaa 100km Waqooyi ka xiga caasimada Naypyidaw.

Dowladda Thailand ayaa yeelanaysa kulamo degdeg ah oo la xiriira dhul gariirka soo gaaray dalkeeda.

Bui Thu oo ah wariye BBC oo ku nool Bangkok ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee qaybta caalamiga ee BBC inay ku sugnayd guriga oo ay wax karinaysay markii uu gariirku dhacay.

‘’Dareenkaygu aad buu u kacsanaa, waan argagaxay, ma ogayn waxa ay ahayd, maxaa yeelay waxaan u malaynayaa toban sano ayaa laga joogaa tan iyo intii aan si xoogan u dareemay dhul gariir xooggan’’ ayay tiri bui.

Dad badan ayaa la la’yahay, ka dib dabaq uu dhisme ku socday uu burburay.

Ilaa 43 qof oo shaqaale ah oo ku dhex jiray dhismaha oo ku yaala Bangkok ayaa la baadigoobayaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta Thailand.

Machadka qaran ee caafimaadka degdegga qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen ilaa 7 ka mid ah shaqaalaha inay soo badbaadeen, 43 kalana la la’yahay.

‘’Markii aan soo gaaray si aan u eego goobta, waxaan maqlayay dad caawimaad u wacanaya, oo dhahaya I caawiya,’’ ayuu u sheegay taliye ku-xigeenka booliska Bang Sue, Worapat Sukthai isaga oo la hadlayay wakaalada AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker