Dadka Mandheera oo ka cabanaya isu socodka Beledxaawo iyo Mandheera
Ka dib isku dhicii ciidammada Soomaaliya iyo Kenya, dhawaan ku dhex maray deegaanno ku yaalla xuduudda labada dal, waxa ay arrintaasi saamayn ku yeelatay shacaka ku nool labada magaalo ee Mandheera iyo Balad-Xaawo.
Sida u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, waxa xidhan isu socodka dadka iyo gaadiidka u kala gudba labada magaalo.
Saamaynta ka dhalatay dhacdadaas ayaana si gooni ah u taabatay nolosha dadka shacabka ah ee ku nool Mandheera oo sida ay sheegeen dhinaca kale ee Balad-Xaawo u doonan jiray adeegga korontada ee taleefannada gacanta iyo biyaha barafka, xilli lagu guda jiro bisha barkaysan ee Ramadaan. Magaalada Mandheera ayaa in muddo ah waxa ka taaganayd cabasho la xidhiidha korontada.