Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ONLF ku tilmaamay koox macangag ah oo dulqaad yar
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo ka jawaabay dhalliilaha waxqabad la’aanta ee uga yimaada ONLF, ayaa sheegay inay dadaalayaan intii karaankooda ah.
Waxa uu sheegay in isla-xisaabtanka nidaamka dowliga ahi uu ku salaysan yahay qiimeyn qorsheysan oo salka ku haysa awoodda ama miisaaniyadda la heli karo, balse aanu ahayn in waxqabadka xukuumadda lagu cabbiro baahiyo jira oo keliya.
“Baahiyaha shacabka Deegaanka haysta way badan yihiin, marnaba dowladdu kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarka ee shacabku qabaan. Waxay ka jawaabaysaa kuwa ay u aragto in lagu wajihi karo tabarta la haysto,” ayuu yidhi Cagjar.
Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay in golayaasha awoodda u leh qiimeynta waxqabadka xukuumadda si joogto ah loola wadaago qorshayaasheeda iyo caqabadaha jira. Wuxuu intaas ku daray in kooxo miciin biday sawaxankii hore ee isbeddelka ay isku dayayaan in waxqabadka xukuumadda lagu cabbiro baahiyo jira iyo dhacdooyin maalinle ah.
“Waxay muujinaysaa dulqaad yarida iyo macangagnimada kooxaha ku mashquulsan dhalliil-sheegga, kuwaas oo sida muuqata, haddii ay iyagu xilka hayn lahaayeen, laga yaabo inaanay ogolaan lahayn cid ka aragti duwan inay hadashaba!” ayuu hadalkiisa ku daray Cagjar.
Hoggaanka sare ee Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa dhawaan dhalliilo isdaba joog ah u jeedisay Cagjar, iyagoo ku eedeeyay in wax horumar ahi aanu deegaanka ka hirgalin intii uu xilka hayay.