Madaxda midowga Yurub oo ka shiraya dagaalka Ukraine
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Paris, shir-madaxeed ay wada qabanayaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo raysalwsaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer si ay uga wada hadlaan dagaalka Ukraine.
“Golaha rabitaanka” oo laga wado gole reer Yurub u badan oo raba in qayb ka noqdaan xallinta arrinta Ukrayn oo uusan ku jirin Mareykanka – ayaa isku dayaya in ay heshiis ka gaaraan taageerooyinka Yurub iyo dalal kale ay bixiyaan si loo ilaalin karo xabbad-joojin la gaadho mustaqbalka, haddii la isku raaco.
Starmer waxaa la filayaa in uu kulankan ka sheego in “Yurub ay isu diyaarinayso” si ay u difaacdo mustaqbalka Ukraine, iyo in “Putin looga baahan yahay in uu muujiyo in qorshaha uu qayb ka yahay.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa jooga Paris si uu u mideeyo xulafadiisa una qanciyo in ay si dhab ah u qaataan khatarta Vladimir Putin.
Wareysi uu siiyay weriyeyaasha oo u uku jiro tifaftiraha caalamiga ah ee BBC Jeremy Bowen, ayaa uu ku sheegay in uu rajaynayo in Mareykanka “uu u taagnaan doono si xooggan” marka ay timaaddo dalabaadka Ruushka ee ku aaddan in la qaado cunaqabateynta si shuruud looga dhigo xabbad-joojin ku saabsan Badda Madow.
Moscow ayaa sheegtay in xabbad-joojinta Badda Madow ee Talaadadii la shaaciyay ay u oggolaaneysa maraakiibta ganacsi in ay si nabad ah u maraan kaliya marka xannibaadaha Ruushka ka saaran cuntooyinka iyo ganacsiga bacriminaha ee la qaado.