Kalkaaliso Jarmal ah oo 7 sano ka hor laga Afduubtay Muqdisho oo codsatay in lasii daayo
Sonja Nientiet oo ah Kalkaaliso caafimaad oo ka soo jeedda dalka Jarmalka, lagana afduubtay magaalada Muqdisho iyadoo u shaqeynaysay Hay’adda ICRC ayaa dhawaan ka soo muuqatay muuqaal laga sii daayay barta Youtube-ka.
Kanaal Youtube oo uu sameeyay shaqsi lagu magacaabo Liibaan Cismaan ayaa shalay soo shaac baxay, inkastoo aan la xaqiijin karin cidda uu yahay.
Fiidiyowga, Sonja ayaa waxay kaga codsaneysaa dowladda Jarmalka inay xoojiso dadaallada lagu soo deynayo, iyadoo ka digaysa in nolosheeda ay khatar ku jirto haddii ay weli ku sii jirto afduubka.
Sonja ayaa laga afduubtay magaalada Muqdisho 2-dii May 2018, maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay walaac ku saabsan in ay weli nooshahay iyo in kale, waxaana muuqaalkan uu hadda xaqiijiyay inay nooshahay, balse ay xaalad adag ku jirto.
Warbixinno hore ayaa sheegay in kooxaha afduubtay ay ka mid yihiin shaqsiyaad ka tirsanaa ilaalada ICRC, kuwaas oo dalbaday lacag madax furasho ah oo malaayiin dollar ah.
Dowladda Jarmalka, gaar ahaan hay’adda sirdoonka BND, ayaa muddo laba sano ah si qarsoodi ah u waday baaritaan, iyagoo la socday khadadka isgaarsiinta si ay u helaan xog ku saabsan afduubkan.